“Dooddii PDRC soo qaban qaabisay waxay ahayd dood ku salaysan kooxaysi iyo garabyo iska soo horjeeda.” Wasiirkii hore ee Cadaalada Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo naqdiyay Qaabka Dooda shirka ayaa sidaasi sheegay.
Ujeedada shirka PDRC Waxaa lagu sheegay inuu yahay mid lagaga hadlayo Nabada, hase ahaatee qaabka ay madasha usocotay ayaa ahayd mid ka fog ajandayaasha dadweynaha loo sheegay. Ayuu hadalkiisa raaciyey.
Wasiirkii Hore ee Cadaalada Dowladda Puntland oo ah xog ogaal wax badan ka og Xaalada iyo Qaabka PDRC uqabatay shirka ayaa aad ugu dhaliilay inaysan ahayn madashaas mid si cilmiyaysan loo abaabuley.
“Ma ahayn Dood xal raadis ah oo si cilmiyeysan loo qabtay oo taabanaysa Dawlad Dhiska Soomaaliya, dooddu masoo bandhigin qancin dadweyne iyo mid dhegaystayaaalba.” ayuu yiri Wasiir Cawil Sheekh Xaamud.
Doodda PDRC ayaa umuuqatay mid loo kala safnaa nidaam qabiileed, mid kooxeed iyo mid aragti siyaasadeed taas oo aad u xoojisey kala qaybsanaanta. Wasiir Cawil oo qodobkaas dul istaagay ayaa yiri . “Doodu waxay ahayd mid qabiil ahaan iyo siyaasad ahaan loogu kala safan yahay, siina xoojisay kala qaybsanaantii horey u jirtay.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dooda maanta ay ahayd Fadhi kudirir halkii laga sugayay dood wax ku ool ah oo wax badan ka tari karta nabada iyo iskusoo dhowaanshaha dadka Soomaaliyeed.
Wasiirkii Hore ee Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo dul istaagay qodobka ay taabaneysay doodii maanta ee dhanka qabiilka ayaa yidhi “Dadka dooda kujiray waxaay uqaybsameen Mid Majeerteen, Habar Gidir iyo Isaaq eedeeya, Digil iyo Miriflena xalay dhalay ka dhigaya. Mid Habar Gidir u dooda oo yiraahda dawlad bay dhistaa ee dagaal masamayso, caasimaddana lagama hadli karo. Dooddu waxay ahayd fadhi ku-dirir, maalaayacni iyo waqti lumis oo aan laga fiirsan cidda ka qayb qaadanysa.” Ayuu hadalkiisa ku daray.
Iskusoo wada duuboo PDRC oo ahayd madal cilmi baaris oo qabata shirar muujiya aragtiyo kala duwan oo la isu dhaafsado si caafimaad qabta, sanadkan waxay la kulmaysaa dhaliil xoogan oo muujisay fashilka qabashada shir ay kasoo bixi karaan aragtiyo wax lagu dul dhiso oo horseedi kara xal raadin, waana mid niyad jab ku ah filashadii laga qabi karey shir meeqaamkaas ah taasoo loo sababeeyey tabar daradda hogaanka Hay’adda, saamaynta aragtiyaha shaqsi ee qaar kamid ah saaxiibada hogaanka Hay’ada iyo faragelin kaga timi dhinacyo ka baxsan maamulka xarunta.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir


COMMENTS