Sidee bay Ibnu Sucuud iyo Wahaabiyadu u qabsadeen Taif iyo Makah? Maxaad se kala socotaa xasuuqii Taa’if iyo cadaawadda fog ee u dhexeysa Yaman iyo reer ibnu Sucuud?

Sidee bay Ibnu Sucuud iyo Wahaabiyadu u qabsadeen Taif iyo Makah? Maxaad se kala socotaa xasuuqii Taa’if iyo cadaawadda fog ee u dhexeysa Yaman iyo reer ibnu Sucuud?

Sidee bay Ibnu Sucuud iyo Wahaabiyadu u qabsadeen Taif iyo Makah? Maxaad se kala socotaa xasuuqii Taa’if iyo cadaawadda fog ee u dhexeysa Yaman iyo reer ibnu Sucuud?

Laga soo bilaabo dhammaadkii xukunkii Cusmaaniyiinta, waxaa gobolka ka jiray afar awoodood oo kala ahaa:
1. Boqortooyadii Xijaaz (Hashemi) oo xukuntay Makkah, Madiina iyo Taa’if intii u dhaxaysay sannadihii 1916-1925

2. Boqortooyadii Yemen (Mutawakkilite Kingdom) oo uu hoggaaminayey Imam Yahya kana jirtay gobolka sannadihii 1918-1962; iyo

3. Saldanadda Cumaan (Oman) oo ka talinaysay koonfur-bari ee Khaliijka Carabta

Waxaa saddexdaas saldanood dheeraa reerka Ibnu Sacuud iyo askartii Ikhwaanka ee Wahaabiyada oo ayaguna ka talinayey gobolka Nejd (Riyadh, Diriyah, iyo Al-Kharj), waxaana hoggaaminayey Ibn Saud oo gacan ka helaya Boqortooyada Ingiriiska oo qorshaheedu ahaa duminta saddexda saldanood ee kore, kaas oo markii uu intaas ku guulaysatay sannadkii 1932 dhisay Boqortooyada ibnu Sucuud ee maanta loo yaqaan Sucuudi Carabiya.

Haddaba aan idin la qaybsano sida ibnu Sucuud iyo Ingiriisku qorshahooda u fuliyeen, fulinta qorshahaasna yahay kan maanta gobolka holcinaya:

Sannadkii 1924 ciidamadii Ibn Saud iyo Ikhwaankii Wahaabiyadu waxay qabsadeen Taa’if, halkaas oo ay ka qaysteen xasuuq daran, ayna Yamaniyiintu sheegtaan in laga xasuuqay shacab kor u dhaafaya 3,000 oo u badan ganacsato iyo Xujey socdaal u ahayd Makah iyo Madiina.

Isla sannadkii 1924, Ingiriiska, ibnu Sucuud iyo Wahaabiyadu waxay sii wadeen dagaalkii waxayna qabsadeen Makah

Sannadkii 1925, Wahaabiyadu waa sii fidiyeen xukunka waxayna qabsadeen Madiina iyo Jeddah ayaga oo soo afjaray Boqortooyadii Xijaaz.

Ingiriiska oo shidaal doon ah, xukunkiina ay u hayaan reer ibnu Sucuud iyo Akhwaankii Wahaabiyada, waxay sannadkii 1934 dagaal ku qaadeen Boqortooyadii Yemen, waxayna ka qabsadeen dhulkii macdanta iyo shidaalka qaniga ku ahaa ee Casiir (Asir), Jizaan (Jizan), iyo Najraan (Najran).

Yaman marna kama ay samrin dhulkaas waana sababta, sida ay sheegaan khubaradu gobolku, uu Sucuudiga iyo xulafadiisa Mareykanka iyo Yhda ay 12kii sano ee ugu danbeeyey ay u rabeen in Yaman laga yagleelo 3 dawladood oo midi hoostagto Sucuudiga, mid kale Imaaraadka, iyo tan saddexaad oo ah Yaman hoostagta al-Qaacida oo xulufo la ah Sucuudiga.

Taariikhda fog ee Yaman ma is leedahay waa mid shabbahda taariikhda dhow ee Soomaaliya oo ah mid Soomaalida lagu kala qaybinayo ayaga oo muddo 40 sano ku dhow qabiil kasta kan kale lagu taagay, loona diiday dawlad, nooc kasta oo ay tahay, ha ahaato fadaral ama mid dhexe oo markasta qorshuhu ahaa in ay ahaato mid Riyaad toos looga maamulo?

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com