Garnaqsiga Araqji ee kahor shirka New York..

Garnaqsiga Araqji ee kahor shirka New York..

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi oo dhowaan gaarey magaalada New York ee uu sida rasmiga ah uga furmay shirka golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobey ayaa bayaan lagu baahiyey bar TALEGRAM ah, waxaa uu ku sharraxay ahmiyadda socdaalka isaga iyo Madaweynaha Iran ee New York, iyo doorkan ahmiyadda khaaska ah ee uu leeyahay.

Abbas Araghchi ayaa bayaankan ku yiri “Booqashadani waxay ku soo begantay xilli ay duullaan fuleynimo ah inagu qaadeen Mareykanka iyo nidaamka sahyuuniyaddu, iyadoo uu weli taagan yahay cawaaqibkii dagaalkaas ka dashay, xaalladduna ay weli ku sugan tahay mid dagaal. “

Araghchi oo duray kaalinta Qaramada Midoobey ee ilaalinta shuruucda caalammiga ah, nabadda iyo madax-bannaanida heer-daleed ayaa yiri “Dalalka qaar, ayaa si kibirleh u dhaqmaya ciqaab la’aan. Iyagoo iska idha-tiraya shuruucaha caalammiga ah iyo xitaa damiirka wadajirka ah ee Aadanaha. Kuwaas oo xasaanad aan xad lahayn siinaya naftooda iyo jaalashooda.

Waxaan arkeynaa, nidaamyada denbiilaha ah sida maamulka sahnuuniyadda oo la siiyey awood aan xad lahayn si ay u sameeyaan wixii ay doonaan, iyadoo galbeedka iyo dalalkii Yurub ee iska dhigi jirey iney yihiin hormuudka xuquuqda dadka iyo dunidu ka aamusan yihiin.”

Araghchi ayaa tilmaamay in tani caddayn ku filan u tahay in kalsoonidii Qaramada Midoobey si dhab ah u luntay, kadib fashilka ku yimid ilaalintii xasilloonida iyo amniga caalamiga ah.”

Iran ayaa Qaramada Midoobey geynaysa dooddeeda qusaysa dagaalka Isr***l iyo Mareykanku bilowgii sanadkan, dalkan ku qaadeen ee aan weli laga heshiin, kaas oo ay Tehran ugu yeertay xad-gudub shuruuceed oo caallami ah iyo gardarro ka dhan ah jiritaanka dalkan.

Maxamed Xaliye

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com