Wefdiga Iran ee Maraykanka oo sheegay inay Wada hadal lafuri karaan Mareykanka iyaga oo ay suurtogal tahay inaay la gaadhi karaan heshiisyo muhiim ah.

Wefdiga Iran ee Maraykanka oo sheegay inay Wada hadal lafuri karaan Mareykanka iyaga oo ay suurtogal tahay inaay la gaadhi karaan heshiisyo muhiim ah.

Wefdiga Iran ee Maraykanka oo sheegay inay Wada hadal lafuri karaan Mareykanka iyaga oo ay suurtogal tahay inaay la gaadhi karaan heshiisyo muhiim ah.

Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Wakaalada Reuters inay ogolaansho buuxa uhaystaan inay Trump wada hadal la furaan.

“Wafdiga Iiraan ee ku sugan New York waxay awood buuxda u leeyihiin inay dib u soo nooleeyaan diblomaasiyadda iyo wada hadalada Mareykanka ee burburay.” ayuu yidhi masuul sare oo uhadlay wefdiga iran ee mareykanka kusugan.

“Waxaa Suurtogal ah in laga wada hadlo Faahfaahinta heshiiska lagu soo afjarayo colaadda Mareykanka iyo iran iyada oo ay qayb ka qaadanayaan dhexdhexaadiyayaal ku sugan New York.” ayuu hadalkiisa kudaray masuulka iraniga ah.

Tixran ayaa soo bandhigtay inay dib u furto Marinka Hormuz toddobo maalmood gudahood haddii Washington ay yareyso cadaadiska militariga oo ay iran ka qaaddo xayiraadda dakadaheeda saaran.

“Soo jeedinteenna cusub ee Marinka Hurmuz waxaa Mareykanka loo gudbiyay iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyayaal 16 kii bishaan Sebtembar.” ayuu Yidhi Masuulka uhadlay wefdiga iran.

iran ayaa dooneyso inay si toos ah ugu garnaqsato laba wado oo kala inay si toos ah isu hor fadhiistaan Trump iyada oo ay kawada hadlaan qodobada iyo shuruudaha heshiiska labada dhinac, Haddii ay suurtogasho inay si toos ah isu hor fadhiistaan waxaa suurtogal ah in heshiis la gaadho inkastoo iran anay kalsooni kuqabin Maamulka Trump iyo YHDA oo ay buriyaan heshiisyada la gaadho marwalba.

Qodobka labaad ee ay dooneyso iran ayaa ah inaay ku gar naqsata Fadhiga Golaha Amaanka ee QM oo ay halkaas ka tusto dunida xadgudubyada Mareykanka iyo inay heshiis diyaar utahay.

Marinka Hormuz oo ah Kaarka ugu muhiimsan oo ay ku gorgortameysa iran ahna qodobka Mareykanka uu doonaya marka laga taga Nukleyrka iran ayaay iran kusoo bandhigi doontaa QM iyo xujooyinka kuxidhan Furitaanka marinkaas.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa maalin ka hor sheegay inuu aad udaneynayo inuu la kulmo Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian.

Mohamed Koronto | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com