Maalinba maalinka ka dambeeya waxaa soo ifbaxaya baaxadda khasaaraha Mareykanka ka soo gaaray dagaalkii gardarada ahaa ee Mareykanka iyo Yhadu ku qaadeen Iran. Inkasta oo dhammaan saldhigyadii Mareykanka ee Khaliijka Carabta ay wada haawanayaan, rajana aan laga qabin in dib danbe ay u hawlgalaan, haddana Mareykanka ayaa aad ula tacaalay in uu qariyo baaxadda Khasaaraha.
Saas oo ay tahay, warbaahinta The War Zone (TWZ) ayaa soo saartay jaantus cusub oo muujinaya baaxadda diyaaradaha Maraykanka ee lagu burburiyey ama ku waxyeeloobay dagaalka bilowgiisii Febraayo illaa iyo 18-kii Sebtembar.
Khasaaraha ayaa lagu faahfaahiyey sida hoose:
1. Ugu yaraan 47 daroonada nooca qaaliga ah ee MQ-9 Reaper waa la burburiyey
2. 4 Diyaaradaha dagaalka nooca F-15E waa la burburiyey, 8 kalena dhaawacyo daran ayaa loo gaystay
3. 2 Diyaaradaha shidaalka ee nooca ‘KC-135 tankers’ ayana waa la burburiyey, 7 kalena waa dhaawacyo kala daran
4. 2 Diyaaradaha nooca MC-130J waa la burburiyey
5. Diyaaradda raadarka qaaliga ah ee nooceedu dhif iyo naadir yahay ee E-3G Sentry waa la burburiyey
6. Diyaaradda nooca A-10C ayadana waa la burburiyey
7. Diyaaradda dagaalka nooca Mareykanku yiraahdo lama arki karo ee F-35 ayana waa la dhaawacay
Khasaaraha kala daran ee Mareykanka ee aan kor ku xusnay ayaa isugu jira daroono, diyaaradaha dagaalka, kuwa shidaalka ku shuba diyaaradaha kale, diyaaradaha ilaalada iyo sahanka, iyo waliba tiro helikobtaro ah oo aan weli la shaacin tiradooda oo dhawaan lagu kala gubay Urdun iyo Kuwait.
Saas oo xaal yahay, Trump ayaa weli u hanjabaya in uu burburin doono Iran, aysan sii jiri doonin dal ahaan.
Mareykanku ma leeyahay awood kale oo uusan hore u soo bandhigin ee uu ku fulin karo hanjabaadihiisa ka dhanka ah Iran? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS