Iran oo garnaqsatay soona bandhigtay tacadiyada Yhda dulmiga mareykanka iyaga oo Fadhiga QM ka sheegay in Mareykanka iyo YHDA ay yihiin argagixisa.

Iran oo garnaqsatay soona bandhigtay tacadiyada Yhda dulmiga mareykanka iyaga oo Fadhiga QM ka sheegay in Mareykanka iyo YHDA ay yihiin argagixisa.

Iran oo garnaqsatay soona bandhigtay tacadiyada Yhda dulmiga mareykanka iyaga oo Fadhiga QM ka sheegay in Mareykanka iyo YHDA ay yihiin argagixisa.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Masoud Pezeshkian oo si adag uhadlay ayaa yidhi.

Isr***l waxa gacanta ugu jira bambooyin Nukliyeer balse annaga ayaa adduunku naga waardiyeynayaa in aan yeelano Nukliyeer, waxay dileen malaayiin carruur reer Qasa ah, laakiin annaga oo miiska wada-hadal joogna ayaa nala duqeeyey si dalkeena loola wareega.

Madaxweynaha iran oo ay ka muuqatay dhiiranaan iyo geesinimo ayaa isaga oo caalamka iyo madaxda goobta joogta la hadlayay wuxuu taabta xaqiiqada isaga oo xusay in dunida qaybteed ay raaxa useexaneyn qaybna gumaad laga wadeyn wuxuuna yidhi: “Waxaan caalamka ugu yeedhaynaa iskaashi iyo wadashaqayn, si aan amni ugu wada noolaanno, haddii kale cidna keligeed kuma noolaanayso amni, adduunka qaybna ma gubanayso qaybna ma seexanayso hurdo fiican.”

Masoud Pezeshkian Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo taabtay qodobo muhiim ah ayaa xusay inay yihiin dhibanayaasha argagixisada isaga oo ula jeeday in Mareykanka iyo YHDA yihiin argagixisada runta ah ee aduunka.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay carruurtii Iran ee ay laayeen huwanta argagixisada Mareykanka iyo YHDA isaga oo gacanta kuhayay sawirkooda.

“Wuxuu nagu tilmaamay Trump inaan nahay argagixiso, balse waxaan nahay dhibanayaasha argagixisada, Waxaa si dulmi ah oo badheedh cad ah lagu dilay hoggaamiyaasheennii sharafta lahaa, iyada oo aan loo marin wax sharciyad ah, ma aragtaan carruurtan? Waxa duqeeyey Mareykan & Isr***l haddana waxaad sheegataan in aad ilaalisaan xuquuqda dadka, ma sheegi kartaan sababta aad u disheen?

Tan ayaa kunoqontay Mareykanka iyo YHDA fadeexad weyn.

Dowladda Iran ayaa ku kalsoon awoodeeda iyaga oo dhistay cudud militry oo ah tan maanta ay ka cabaadayaan Mareykanka iyo YHDA.

Mohamed Koronto | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com