Golaha Mustaqbalka Somaaliyeed ayaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u gudbiyay qoraallo ay kaga hadlayaan hubanti la’aanta dastuuriga ah iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Mucaaradka ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu sharciyad la’aan ku shaqeynayo, iyagoo sidoo kale walaac ka muujiyay faragelinta ciidan, duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dhacdooyin ay ka mid tahay duqeyntii 3-dii September lagu qaaday guriga Jeneraal Mahad Shub ee Doolow.
Golaha Mustaqbalka ayaa Golaha Amniga ka codsaday inuu yeesho fadhi rasmi ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo duqeynta Doolow, lana sameeyo hannaan caalami ah oo dhexdhexaadin iyo doorasho loo dhan yahay.
Qoraalladan ayaa soo baxay saacado ka hor khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.


COMMENTS