Ciidamada Ansar-Allah ee dawladda Yaman ee fadhigoodu yahay caasimada dalka ee Sanca oo saaka la wareegay jidka isku xira Taiz iyo Cadan

Waxaa sii burburaya xoogagga Yaman ee hore u taabacsanaa dawladda Sucuudiga iyo Imaaraadka ayada oo saaka ay isdhiibeen badi ciidamadii difaacayey magaalada muhiimka ee Taiz. Isdhiibka ciidamada dawladda dibadjoogga ah ee Sucuudiga taabacsan fadhigooduna yahay Riyaad ayaa keenay in dawladda Yaman ee Sanca ay si sahlan kula wareegto jidka istaraatijiga ah ee Taiz iyo Sanca.

La wareegga jidka Taiz waxa uu difaaca Cadan ee ka amarqaata Imaaraadka ku khasbi doonaa in ay banneeyaan Cadan.

Haddii Ansar-Allah oo hadda maamusha badi deeganada la deganyahay ee aan saxaraha ahayn ay la wareegaan Cadan waxay ka dhigantahay Sanca oo dalka oo dhan gacanta ku dhigtay, deegaanada kaliya oo markaas gacanta dawladda ka maqana waxay noqon doonaan kuwo kooban sida Xadramut iyo jasiiradda Suqaatra, taas oo khasbi doonta in dawladda Sucuudiga iyo Imaaraadku yagleeleen ee loo yaqaan PLC ay noqoto dibadjoog rasmi oo fadhigeedu yahay Riyaad.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com