Ciidamada Badda Puntland oo Burcad badeed kaso furtay markab kale.

Ciidamada Badda Puntland oo Burcad badeed kaso furtay markab kale.

Ciidanka Badda Puntland ayaa hareereeyey Markabka Honour 25 oo u raran ganacsadde Soomaaliyeed kaasoo kooxo Burcad Badeed ah ku haystaan xeebaha Puntland. Ciidanka Puntland ayaa wada hawlgal kooxaha Burcada ah lagaga furanayo Markabkan.

Wararka ka imaanaya deegaan xeebeed dhaca gobolka Karkaar ee Puntland oo hawlgalkan ka socdo, ayaa sheegaya in rasaas xoogan la maqalayo taasoo ay ridayaan ciidanka Dowlada Puntland ee markabka ka badbaadinaya kooxda Burcada ah.

Puntland ayaa dhowaan xoog kula wareegetey markab kale oo lagu haystey xeebaha Puntland, waxaana weerarkan maanta socdaa noqonayaa hawlgalkii labaad ee todobaad gudihiis Puntland Kooxaha Burcad badeeda ah ku qaado.

Kala soco Daljir faahfaahin dheeriya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com