Magaalada Cadan oo kamida Magaalooyinka ugu istiraatijidsan Yemen kuna taala goob muhiim ah ayaay go’doomiyeen Ansaarullah Alxuuti kuwaas oo afarta dhinac ka fadhiya.
inkasta oo ay kusocoto xuutiyiinta duqeymo xoogan oo dhanka cirka ah hadana waxaay jareen jidka isku xira cadan iyo Tacis.
Ciidamada Sucuudiga uu taageera ee Yaman ayaa ku uruuray magaalada cadan waxaayna umuuqataa in awoodooda ay iskugu geynayaan Magaalada Cadan oo ah Caasimada labaad ee dalkaas iyaga oo sameeyay dib ugurasho weyn.
isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta ayaa sheegay in maanta oo kaliya ay fuliyeen 40 duqeyn oo dhanka Cirka ah.
Isbahaysiga ayaa sheegay inay beegsadeen Goob muhiim ah oo kutaala magaalada Sanca ee caasimada dalkaas Yemen.
Mohamed Koronto | Daljir Media


COMMENTS