ITOOBIYA OO XIDHAY SAFAARADDEEDII KU TAALAY ERITREA & DIBLOOMAASIYIINTA ERITREA OO AY KU AMARTAY IN 48 SAACADOOD DALKA KAGA BAXAAN

ITOOBIYA OO XIDHAY SAFAARADDEEDII KU TAALAY ERITREA & DIBLOOMAASIYIINTA ERITREA OO AY KU AMARTAY IN 48 SAACADOOD DALKA KAGA BAXAAN

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa maanta bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Itoobiya ay go’aansatay in la xidho Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea isla markaana diblomaasiyiinta Itoobiya laga soo saaro dalkaas

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan loo qaatay jawaab looga bixinayo waxa ay tilmaantay falal gardarro iyo kicin toos ah iyo kuwo dadban oo ka dhan ah Itoobiya

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in 10 diblomaasiyiin Eritrean ah ay lagu eedeeyey inay jabiyeen heshiisyada diblomaasiyadeed ee Vienna isla markaana ay khatar ku yihiin amniga qaranka Itoobiya sidaas darteed lagu amray in 48 Saacadood gudahood ay Itoobiya uga baxaan.

Daljir kala soco wararkii ugu dambeeyey ee xaalka Itoobiya

> Daljir Media | Wariye Jamarti

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com