Eritrea oo xiriirka u jartay Itoobiya, Diblomaasi Masar udhashay oo ay itoobiya dalkeeda ka eriday, Masar oo iyadana eriday diblomaasi Itoobiyan ah

Eritrea oo xiriirka u jartay Itoobiya, Diblomaasi Masar udhashay oo ay itoobiya dalkeeda ka eriday, Masar oo iyadana eriday diblomaasi Itoobiyan ah

Eritrea oo xiriirka u jartay Itoobiya, Diblomaasi Masar udhashay oo ay itoobiya dalkeeda ka eriday, Masar oo iyadana eriday diblomaasi Itoobiyan ah iyo Xiisada oo cirka isku sii shareertay.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in iyadoo la eryayay dhammaan diblomaasiyiinta Eritrea ee jooga Itoobiya, ay dowladdu si dhab ah u xireyso safaaraddeeda Addis Ababa sidaasna ay xidhiidhka ugu jartay dhigeeda itoobiya.

“Eritrea ma haysato wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay tallaabo la mid ah tan itoobiya qaaddo oo ay u jarto xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Itoobiya, iyadoo la tixgelinayo dhammaan cawaaqib-xumada ka dhalan karta arrintan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Eritrea.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in diblomaasi u dhashay Masar uu yahay qof aan dalkeeda laga rabin (persona non grata), waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah, sida ay kuwarantay warbaahinta Dowlada Itoobiya ee (EBC) .

Telefishinka Al Qahera News ee dalka Masar, oo soo xiganaya sarkaal sare oo Masar u dhashay, ayaa sheegay in Masar oo ka jawaabeysa Talaabada itoobiya ay qaadday tallaabo la mid ah iyadoo ku dhawaaqday in lataliye ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Masar uu yahay qof aan dalka Masar laga rabin, isla markaana uqabatay muddo 48 saacadood ah inuu dalka uga baxo.

Addis Ababa ayaa ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageerayaan isbahaysi mucaarad ah oo ay hoggaaminayso Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF), kaas oo dagaal kula jira dowladda federaalka Itoobiya.
Saddexda dal ee ay ku eedeysay itoobiya inaay hurinayaan colaada dalkeeda ee Masar, Suudaan iyo Erutrea ayaa beeniyay eedeyntaas.

Guddiga Midowga Afrika ayaa ku boorriyay saddexda dal ee ay eedeysa itoobiya inay muujiyaan xakameyn kana fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii xumeyn kara xiisadda, isla markaana wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Mohamed Koronto | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com