Afhayeenka ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay qaadeen 20 duqeyn saddexdii saacadood ee la soo dhaafay, iyagoo beegsanaya dhaqdhaqaaqyada, ciidamada, gaadiidka iyo qalabka milatariga ee Xuutiyiinta ee gobolka Taiz.
Magaalada Tacis ayaa sida an warkeeni hore kusheegnay go’doonsan oo ay go’doomiyeen xuutiyiinta iyaga oo jaray jidka isku xira Cadan iyo tacis.
Haddii ay Xuutiyiintu si buuxda u qabsadaan gobolka Taiz ee koonfur-galbeed Yemen, waxaa usahlanaan doonto gacanta ku haynta guud ahaan waqooyiga dalka, xakameyn xooggan oo ay ku sameeyaan xeebta Badda Cas, iyo marin u fudud oo ay ku gaari karaan koonfurta iyo magaalada dekedda leh ee Caden oo xarun u ah Dowlada uu sucuudiga taageero.
Colaadda Yaman ee soo laba kaclaysay ayaa sababtay inay dalkaas ka barakacaan kumanaan kun oo shacabka reer Yaman ah kwaas oo ufirxaday dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.
Dowladda Sucuudiga ee duqeymaha is daba joogo ah kawada dalkaas sooma dhoweynaysa qaxootiga Yaman ee colaada ka firxanaya umana ogolo dalkooda inay Yamaniyiinta uqaxaan oo ay magangalyo siiyaan.
Sacuudi Carabiya ayaa Khamiistii sheegtay in Xuutiyiintu ay weerareen xarun qaybisa korontada oo ku taal magaalada Medina, taas oo koronto siisa Masjidka Nabiga (Masjid al-Nabawi).
Il-wareed milatari oo ka tirsan Xuutiyiinta, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Saba ee ay maamulaan Xuutiyiintu, ayaa beeniyay sheegashadaas, wuxuuna sheegay inay ahayd isku-day lagu qarinayo wax uu ku tilmaamay guuldarada Sacuudi Carabiya ka haysata inay caddeyso eedeyn hore oo ahayd in Xuutiyiintu ay beegsadeen magaalada barakeysan ee Maka.
Mohamed Koronto | Daljir Media


COMMENTS