Goobihii Taarikhiga ahaa ee Gaalkacyo oo sii tirtirmaya

Goobihii Taarikhiga ahaa ee Gaalkacyo oo sii tirtirmaya

Gaalkacyo oo kamid ah magaalooyinka facaweyn ee Soomaaliya, sidoo kalana safka hore kaga jirta magaalooyinka ugu baaxadda weyn, uguna bulsho badan, waxay qarka u saaran tahay in ay lumiso qaybo muhiim ah oo ka mid soo-taallooyinkeedii taariikheed.

Marka meel la iska dhigo dhiganayaasha tariikheed ee ku suntan waayaheedii jiritaan, iskuguna jira doorarkii dadkeeda ee halgankii xorriyadeed, hal-doorradii ka dhashay, hoggaamiyayaal sare oo ka soo baxay, iyo heerarkeeda la soo qaato ee colaad iyo nabadba, waxaa xusid mudan Gaalkacyo in ay leedahay goobo taariikhi ah oo raadad lama illaawaan ah oo xasuuseed ku leh bulshadeeda iyo kuwa kale Soomaaliyeedba.

Haddii aan xusno qaar ka mid ah goobahaas taariikhiga ah ee haatan sii tirtirmaya, waxaa ka mid ah.

1. Taalladii astaanta u ahayd dawladda hoose, uuna taagay Suldaan Yuusuf Cali Keenadiid, waxaana la dhisay sannadii 1906-dii

2. Iskuulka ummadda ee Galkacyo isna waxaa la dhisay sannaddii 1948-dii,

3. Iskuulkii Bardacad oo isna waxaa la dhisay sannadii 1958-dii

4. Ceelkii Bardacad oo aanan weli si buuxda summaddiisa taariikhed aanan calaamadin.

Afartaas goobood oo ka mid ah waxyaaba sida weyn ugu suntan sooyaalka taariikheed ee magaalada Galkacyo, misna lagu xasuusto caan ahaanshaheeda magaalo, maanta kuwana waa tirtirmeen, kuwana cago kuma taagna.

Iskuullada Ummadda iyo Bardacad oo labadooduba ku yaalla bartamaha magaalada Galkacyo, ahna hoygii waxbarasho ee hal-door iyo hoggaamiyayaal magac weyn oo reer Gaalkacyo ah ay ka tacliin dhigteen, haatan waa guryo laga guuray, waa goobo ay biyuhu iska fadhiyaan, bahallada iyo shimbiruhuna ay hoydaan, qarkana u saaran dumitaan iyo daad-raacid.

Taalladii dawladda hoose ee saldanaddii Keenodiid, muddo dheer oo ay dafan-deegsanayd, dayacantay, haatan waa duntay, dib loo taagana ma sahlana, inkastoo hataan gabar iskeed isku xilqaantay ay ballanqaadday dhismaheeda.

Ceelkii Bardacad oo biyihiisa lagu xifaaleeyo reer Mudug-gu in ay ka helaan dhiirranaasho iyo indha-adayg, isna xilli hore ayuu duugmay, dibna looma dayactirin, dan iyo heellana looma gelin sida muuqata.

Haddaba tani soo ma ahan taariikh dad iyo deegaan oo duugmaysa, daba-qabashana u baahan?

Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com