Amiir Maxamed bin Salmaan (MbS) iyo reer Al Sucuud oo udbahooda iyo dhigahooda hore ugu dhiibtay Yhda iyo Mareykanka, ugana masuul ah kobcinta iyo biilka argagixisada adduunka ee ay sheegaan in ay la dagaalamayaan, laakiin xaqiiqiyan ay u isticmaalaan fulinta danahooda sayaasadeed, sida Suuriya (IS^IS/al-Qaacida), Ciraaq (IS^IS), Soomaaliya (IS^IS/al-Qaacida) iyo Yaman (al-Qaacida), waxaa soo wajahay xaalado kala daran oo khatar ku ah jiritaanka Sucuudiga iyo waliba nolosha MbS.
Waa mar e Bin Salmaan wixii dhaqaale dheeraad ah ee uu hayey waxa uu sannadihii 2025-2026 ku taageeray Trump iyo Mareykanka, waxaa kale oo uu lacag tirilyano USD ku khasaariyey magaalada hadda fashilantay ee NEOM, iyo waliba saxaraha adduunka ugu kulul oo uu sheegay in uu ka dhisayo xarun baraf oo lagu damaashaado (Ski Resort). Labadaas mashruuc oo ay galeen sida la sheegay lacago kor u dhaafaya tirilyano waa wada fashilmeen.
Waxaa kale oo Sucuudiga sii khasaariyey mashaariicda gabdhaha fannaaniinta Mareykanka iyo kuwa qoob-ka-cayaarka iyo feerarka ee dalka la keeno ee uu madaxda u yahay saaxiibkiisa aad ugu dhow ee Turki Al Sheekh. Dhammaan mashaariicdaas oo sannadkii 2019 uu MbS ku sheegay kuwo jihayn doona Sucuudiga, kana mid dhigi doona dalalka horumaray, laakiin Muslimiinta Sucuudiga iyo kuwa adduunkuba u arkeen kuwo lagula dagaalamayo diinta Islaamka ayaa dhammaantood wada fashilmay, Sucuudigana ku keenay khasaare lacageed oo xad dhaaf ah.
Intaas waxaa uga sii diray dagaalka Yaman ee socda sannadkii 12aad, uuna MbS bilaabay markii uu ahaa Wasiirka Difaaca, ayna ku dhiirigaliyeen Mareykanka iyo Yhda. Dagaalkaas oo uu Sucuudigu ku guuldarraysatay illaa iyo haddana uusan gacan buuxda Mareykanka ka helin waxa ay Mareykanka iyo Yhdu xujo uga dhigeen laba arrimood oo kala daran, khatarna ku ah jiritaanka Sucuudiga. Waa marka koowaad e in MbS uu si toos ugu soo biiro qorshaha Netanyahu ee Abraham Accord. Waa marka labaad e in uu Netanyahu u fidiyo casuumaad rasmi ah oo uu Riyaad ku yimaado.
MbS waxaa maanta haysta laba kala daran mid dooro iyo maahmaahdii ahayd, “Haddaan aamuso ariga laynta laga deyn mayo, haddaan hadlana waa af-sallax ku dheg.” MbS haddii Mareykan iyo Yhd u soo hiiliyaan Yaman kama difaaci karaan, asna ma sii joogi doono. Haddii dagaalku sii socdana sidoo kale. Haddii uu xataa nabad qaatana wuxuusan ka badbaadi doonin qabaa’ilada dalka oo qof kasta oo magac lahaa uu ka dhigay mid uu maalkiisii dhacay mid uu dilay ama xiray.
Adiga maxay kula tahay? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Maxamed Cali, Daljir Media


COMMENTS