Waan ku bogaadinayaa madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni illaalinta dhismayaasha taariikhiga ah.

Waan ku bogaadinayaa madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni illaalinta dhismayaasha taariikhiga ah.

W/Q: Siyaasi Sahro Cismaan Yuusuf

Waxaan aad u bogaadinayaa madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdillaahi Deni iyo doorkiisa soo noolaynta taariikhda iyo dhismayaasha qadiimiga ah ee deegaannada Puntland, kuwaasi oo aan dayactir muuqda helin muddo dheer, lehna ahmiyad weyn iyo soo jireenimo ay kala dhaxlaan jiilashu.

Mar labaad waxaan ku bogaadinayaa madaxweynaha, kuna faraxsanahay sida degdegsiimada leh ee uu uga jawaabay soo-jeedintaydii ahayd dhismaha iyo dayactirka taalladii dawladda hoose ee magaalada Galkacyo oo duntay, soona dhisnayd iyo sabankii Yuusuf Cali Keenodiid, taasoo madaxweyne Dr. Siciid cabdillaahi Deni amray dhismaheeda haata, loona xilsaaray shirkaddiii hirgelin lahayd dib u taagiddeeda.

Horay sidaan oo kale, waxaa uu madaxweynuhu u amray dayactirka iyo dhismaha taallooyin iyo xarumo taariikh ah oo dhaqan oo ku yaalla gobollada kala duwan ee Puntland, kuwaasi oo lagu guulaystay qaarkooda soocelinta bilicdooda iyo meeqaamkii ay lahaayeen ee muujinayey taariikh yeelashadooda.

Ummadkasta oo dunidaaan guudkeeda ku nool, waxay si gaar ah u illaalisaa taariikheeda iyo arrimaheeda soo-jireenka ah, si ay wax uga bartaan jiilasha dambe, kuwa joogana indhaha ugu hayaan waayihii la soomaray, waxna ugu qaataan.

Sidaas darteed, waxaan aad u dhiirragelinayaa, uguna boorinayaa dadkeenna reer Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliyeedba in ay illaalsadaan taariikhdooda, lana dhawro dhismayaasha qadiimiga ah ee muujinaya raadad hore oo dawladeed, dhaqan ama bulsho, si loo kala dhaxlo taariikho la arko ama indhuhu qaban-karaan oo ka duwan waxa qoraal ahaan loo hayo.

Dawladda Puntland dhankeeda waxaan codsi ahaan ula wadaagayaa, in ay dedejiso dayactirrada dhisme ee socda, kuwa kalana loo weelqaado maadaama dhismayaasha taariikhiga ah badankoodu ay yihiin kuwo qadiimi ah, waayo badanna soo jiray, xillikastana ay dumi karaan ama burburi karaan, xilligaanna lagu jiro wakhti roobaaddo ka duwan sidii la yaqaannay.

Allaa Mahadleh.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com