Tucker Carlson oo ka digay in Trump oo raacaya awaamiirta Netanyahu uu rabo in uu Iran ku garaaco nukliyeer

Tucker Carlson oo ka digay in Trump oo raacaya awaamiirta Netanyahu uu rabo in uu Iran ku garaaco nukliyeer

Haddaba Soomaalida oo ka agdhow aagga dagaalka maxaa u talo ah?

Sida uu saaka shaaciyey wariyaha caanka ah ee Mareykanka Tucker Carlson, waxaa jira walaac isa soo taraya oo ah in Trump uu qorsheynayo weerar horleh oo lagu qaado Iran ayada oo Mareykanka iyo Israa’iil ay adeegsanayaan hubka wax gumaada ee nukliyeerka. Mareykanka iyo Israa’iil oo hore Iran ugu weeraray nooc kasta oo hubka ah, aan ka ahayn nukliyeer, ayaa ku jabay dagaalka, keenayna in Mareykanka laga burburiyo badi saldhigyadiisii Carabta Khaliijka ee hore looga difaaci jiray Israa’iil.

Tucker oo faahfaahinaya qorshaha cusub ee Netanyahu ayaa sheegay in Trump oo fulinaya qorshahaas uu rabo in uu nukliyeer ku duqeeyo xarumaha nukliyeerka ee Iran, gaar ahaan kuwa dhulka hoostiisa ku yaal, siiba buurta loo yaqaan ‘Pickaxe.’

Carlson ayaa sii raacshay in qaar kamid ah dadka ka agdhow maamulka iyo dowladda Israa’iil ay riixayaan tallaabo militari oo adag, bal se wuxuu sidoo kale sheegay in go’aan kama dambays ah aan weli la gaarin. Carlson ayaa arrintan ku tilmaamay khatar weyn oo adduunka oo dhan soo foodsaartay, horseedi kartana isku dhac ballaaran oo gobolka iyo adduunka oo dhan ka dhaca, iyo shucaaca nukliyeerka oo adduunka oo dhan wada gaara.

Haddaba haddii dagaalka Mareykanka iyo Iran sii xoogeysto ama nukliyeer isu badalo khatar intee le’eg baa soo wajihi karta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, mise jiraa wax qorshe dawladeed ah oo shacabka iyo ganacsatada loogu sheegayo ama lagu dhiirigalinayo in ay u diyaargaroobaan khataraha soo fooleh?

Yurub, siiba Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska, oo sidii dagaalka Ukraine u sii xoogeeystay ayaa ah dalalka kaliya ee shacabkooda u sheegay in ay dagaal u diyaargaroobaan oo shidaal, biyo iyo cunnooyin gasacadeysan diyaarsadaan. Haddaba Soomaalida oo ka agdhow aagga dagaalka maxaa u talo ah? Haddii se dawladdu doorkeedii gabtay, aaway nindoorkii Soomaaliyeed?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com