Mashruucii Biyo-xireenka Faanoole eraygi caan baxay ee ahaa faanole fari kama qodna wuxuu ahaa mashruuc horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka Faanoole oo qiyaastii 22 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Fikradda mashruucaan waxaa lahaa madaxweynihii 2aad ee Soomaaliya
MADAXWEYNE C/RASHIID CALI SHARMAAKE sanadkii 1963kii.
Dowladdii kacaanka ayaa markii ay wadanka lawareegtay sanado kadib waxaay midowgii Suufiyeedka kula heshiisay in ay biyo xireen weyn uga dhiso Deegaanka Faanoole ee jilib kana tirsan gobolka jubbada dhexe, sanadkii 1974kii inkastoo xiligaas uu hakad galiyay amba qaadistii mashruuca ololahii reer miyiga iyo dowlada oo la tacaaleysay abaar ba’an oo dalka kadhacday xiligaas.
Ujeedada Mashruucan laga lahaa waxaay ahayd in la waraabiyo beeraha korna loo qaada wax soo saarka beeraha sida bariiska iyo qudaarta, in layareeyo ama meesha laga saaro fatahaadaha Webiga jubba ee xili roobaadka oo beerooleyda qasaara badan ugeysan jiray sanad waliba iyo ujeedada ugu dambeysa oo ah in la dhaliyo koronto.
Himilada & Waxqabadka: Waxaa loogu talagalay mashruucan in lagu waraabiyo ilaa 40,000 oo hektar oo beera ah, inkastoo la gaaray oo kaliya 5,000 oo hektar oo Bariis ah. Wuxuu sidoo kale dhalin jiray koronto gaaraysa 4.6 MW, isagoo awood siin jiray Jilib, Mareerey, iyo Warshadda Sonkorta Jubba.
Saamaynta dagaalkii 1977-kii ee mashruucan.
Dagaalkii ba’naa ee ay dowladii Soomaaliya la gashay Itoobiya sanadkii 1977kii, Waxaa xumaadey xiriirka dowladii Soomaaliya iyo midowgii soofiyeetka ayadoo dalka laga saaray midowga suufiyeetka oo gacanya kuhayay dhismaha mashruucan, ugu dambeyna midowgii soofiyeetka wuxuu lassoo saftay Itoobiya Taasina waxay keentay inuu halkaas ku istaagey dhismihii biyo xireenka Faanoole.
waxaana ka dhashay maahmaahda caanka ah ee Soomaalida ku maahmaahdo ee ah “Faanoole fari kama qodna”.
Sanado kadib dowladii kacaanka ayaa heshiis kula gashay dowlada Shiinaha inay udhameystirta mashruuca biyo xereenka faanoole sanadkii 1978kii.
Dhammaystirka mashruucan: kadib mudo 4 sanno ah oo uu socday dhismaha mashruucan Injineerada Shiinaha waxay ku guuleysteen inay dhismaha soo gaba-gabeeyaan, iyadoo xariga laga jaray isla markaana la hawlgaliyay sanadkii 1982-kii hasayeeshee masii raagin.
9 sanno kadib dagaalkii burburkii dowladii Soomaaliya iyo dagaaladii sokeeya Sannadkii 1991-kii iyo wixii ka dambeeyay, mashruucu wuxuu la kulmay burbur baaxad leh. Qalabkii farsamada, makiinadihii korontada, iyo dhismayaashii maamulka ayaa la boobay ama dayac darteed u curyaamay.
dayac weyn ayaa kudhacay Kanaalladii biyaha qaadayay waxay noqdeen kuwa dhoobo iyo geedo qabsadeen, halka biyo-xireenkii uu u baahday dayactir weyn oo aan ilaa hadda si buuxda loogu guuleysan in loo sameeyo sidii loogu talagalay.
Xaaladda Hadda uu kusugan yahay biya xireenkiiFaanoole: Inkasta oo ay jiraan dadaallo mararka qaar ay sameeyaan maamulada deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah si dib loogu soo celiyo qaybo ka mid ah kaabayaasha biyaha ee Jubba si loo caawiyo beeraleyda deegaanka, haddana mashruucii Faanoole sidii uu u shaqeyn jiray maanta ma shaqeeyo, wuxuuna u baahan yahay maalgelin iyo qorshe qaran oo ballaaran si dib loogu soo nooleeyo.
Wuxuu ahaa mashruucii ugu weynaa ee Dowlad Soomaaliyeed ay ka qabata dalka taniyo intii ay Soomaalida xornimada qaadatay.
Daljir Media


COMMENTS