***
SOMTEL | share your world | Soomaaliya oo dhan | Ha moogaan, ka qaybqaado, su’aalaha SOMTEL ka jawaab, oo abaalmarin ku guuleyso, oo Kadiska TARTAN & TACLIIN kala soco Radio Daljir!
***
Barnaamijka Tartan & Tacliin oo si toos ah uga biloowday Radio Daljir, xarunta Daljir Bossaso, ayaa galay habeenkii 3aad, sannadkii 13aad. TARTAN & TACLIIN waxaa maalgaliya Shirkadda SOMTEL iyo Jaamacada Badda Cas.
Kadiska caawa iyo TARTAN & TACLIIN waxaa qaybtii hore ku tartamay Xaaji Cabdullaahi Sare Ballidhidin iyo Suldaan Hurre Sare Xarfo.
Qaybtii labaad ee Tartan & Tacliin waxaa ku tartamay Cabdullaahi Ibraahim Sare Ufeyn iyo Bacaadweyn Sare, waxa ayna guusha raacday Cabdullaahi Ibraahim Sare Ufeyn.
Inta uu socdo barnaamijka Tartan & Tacliin habeen walba waxaa dhex socda su’aalo ku saabsan adeegga bulsho ee shirkadda isgaarsiinta SOMTEL oo maalgalisa kadiska T&T. Su’aalaha oo looga jawaabayo hannaanka farriin qoraaleedka ama ‘text message’ ayaa wata abaalmarino. Ha moogaan, ka qaybqaado, su’aalaha SOMTEL ka jawaab, oo abaalmarin ku guuleyso, oo Kadiska TARTAN & TACLIIN kala soco Radio Daljir!
Habeen dambe Tartan & Tacliin, qaybta hore waa Galdogob Sare fkf Eyl Sare; halka qaybta labaad ay foodda is dari doonaan Muntada Sare Burtinle iyo Shiikh Daahir Xasan Sare Cagaaran.
Barnaamijka Tartan & Tacliin waxaa suurtagaliyey Shirkada SOMTEL | share your world iyo Jaamacada Badda Cas, waxaana qayb ka ah Dalladda Waxbarasha PEN iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo waliba Radio Daljir.
Hoos ka dhegayso.
COMMENTS