Agaasimaha Cusub Ee Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo xilka la wareegay

Agaasimaha Cusub Ee Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo xilka la wareegay

Garowe, Abriil 13, 2025: Agaasimaha Cusub Ee Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf Ayaa Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay xilalka kala wareegayeen Agaasimahii hore ee Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo ka qabsoontay xarunta Golaha Wakiillada Puntland.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Xidig Warsame, Hawl-wadeemnada Golaha Wakiilllada iyo marti sharaf kale.

Agaasimahii hore ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Agaasimaha cusub, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland

Agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa isna munaasabadda ka hadlay. Wuxuu uga mahadceliyay Agaasimihii hore xilwareejinta hufan, isagoo xusay inuu halkaas ka sii wadi doono shaqada xafiiska. Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay Xoghayaha Guud iyo dhammaan xubnihii ka qeybgalay munaasabadda, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay sida diirran ee loo soo dhaweeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com