Ammaanka Muqdisho iyo Awaamiirta Taliye Sanbalooshe (dhegayso)

Ammaanka Muqdisho iyo Awaamiirta Taliye Sanbalooshe (dhegayso)

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Wasiirka Amniga ayaa xalay soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xasilinta Ammaanka Muqdisho, waxaana ay digniin culus u jeediyeen shaqsiyaadka ka horyimaada awaamirtaas.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka hadlay ayaa sheegay in shacabka ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyan ,wuxuuna sheegay in amaanka xasilinta cidna aysan ka baryeeyn.

hadaba awaamirtii laga soo saaray Shir jaraa’id waxaa kamid ahaa

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.

Hoos ka dhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com