Ammaanka Puntland oo la Adkeeyey iyo Boosaaso oo Dad lagu Qabqabtay

Ammaanka Puntland oo la Adkeeyey iyo Boosaaso oo Dad lagu Qabqabtay

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka Puntland ay dad u qaqabteen weerar ismiidaamin ah oo dhowaan ka dhacay Boosaaso, inkasta oo ninkii ka dambeeyey uu meesha ku naf waayey.

Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lahadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay laban laabeen howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Mudane Qarjab, ayaa xusay in qarixii dhowaan ka dhacay magaalada Boosaaso ciidanka ammaanku dad badan u qabteen haddii ay lug ku yeeshaana sharciga lala tiigsan doono.

RAMADAAN KARIIM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Nawal muhiyadiin mohamed tell number 7365296 7 years ago

    asc daljir illahay hka qabto umadda izlamka waxa dhibta ku hya amanku mnta waa waxa kliya ee dadku kunool yhiin ilahy waxn ka baryayna in umadda zoomaliyed qulubteda izku zoo cesho oo wxaa ngu dhex jira allaha nga zroo amniga puntland waa muhim in shacabka reer puntland amankodaa ilashada waayo cadow badn by leyihin

  • guled ahamd moh'med 7 years ago

    asc radio daljir
    fikirkayga Ku Aadan amniga puntlaand waa mid sidaan u qoran :

    1:waa in LA sameeyaa siyaadsad amni oo qaran (national policy security )
    2:waa in LA fuliyaa siyaasad qaran ee amni

  • Abdikafi Ahmed Abdi 7 years ago

    Assalaamu Alaykum. Radio Daljir

    Aragtidayda Ku aadan Amniga Magaalada Bosaaso iyo Dadka Lasoo qabqabtay waxaan ka dhihi lahaa in dowladu dhagar qabayaasha uma sida arxan darada ah u laynaya ay gacan Bir ah Ku qabtaan . Waajibkoodana mariyaan , dadka kasoo qabqabanayana laga fiirsado waayo dhagarqabayaashu waxay Ku dhex milanyihiin bulshada , Marka qabqabashada Magaalada Bosaso waxa ay aad u Saamaysaa Ardada waliba kuwa Jaamacadaha oo Xirnaada Mudo ka badan 24 Saac ayagoo aan tuhun maahane wax kale jirin qof Kuna xaq waxa uu u leeyahay in 24 saac xirnaankarin ,

    Balse anoo og in ay jiraan Xeer hoosaayo mabaadii aasaasiya , oo sii kordhinaya Tuhunsanaha in waqtigiisa lasii kordhin karo , marka waxaan fariintayda halkaan uga faa’iidsan lahaa in ardada iyo dad aanan qaska lug kulahayn baa jira ee ilgaara halagu eego

    Mahadsanidiin Radio Daljir Somalia

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com