Argagixiso Al-Shabaab iyo Daacish oo Puntland Xukun Dil ku Ridday (dhegayso)

Argagixiso Al-Shabaab iyo Daacish oo Puntland Xukun Dil ku Ridday (dhegayso)

Maxakmadda Ciidamada Qalabka sida ee shanta Gobal ee Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ayaa xukuno isgu jira dil toogasho, xabsi daa’in, iyo siideyn ku riday eedeysanayaal ku eedeysnaa kamid ahaanshaha Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Eedaysanayaasha maanta xukunka lagu riday 5 ka mid ah waxa dhawaan ciidamada ammaanka ee Boosaaso ku qabteen gaari iyo qaraxyo ay wateen. Shantaas nin ayaa la sheegay in ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab islamarkaasna ay doonayeen in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Maxakmada Ciidmada Qalabka sida ee shanta Gobol, Cabdifatax Xaaji Aadan, ayaa xukunka riday.

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 1
  • Xeer hoosaadka ciidamada waxa ku xusan: markii ciidan dagaal kugula jira la qabto in la meele’yo 50%. Ama kan badan.