Qorshaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo saaxiibbadiis wuxuu dib u soo nooleynayaa hab-fikirkii jabhadaha ee horseeday burburkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Awood-marooorsi, kala-sarrayn bulsho iyo dulmi siyaasadeed.
Qorshuhu wuxuu u muuqdaa in nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 loo beddelo mid u shaqaysa sida 2.5. Taas waxay wiiqaysaa matalaadda laba beelood iyo beesha shanaad, awooddana ku koobaysa labada beelood ee kale.
Markii ay adkaatay in la wiiqo awoodda siyaasadeed ee bulshooyinka Puntland iyo Jubbaland, Baydhabo ayaa noqotay goobta lagu tijaabiyo qorshahan. Si kastaba ha ahaatee, Baydhabo way diidday in lagu khasbo ama ay isu dhiibto.
Halganka Baydhabo ma aha mid ku eg Koonfur Galbeed oo keliya. Wuxuu difaacayaa xuquuqda siyaasadeed iyo matalaadda qayb weyn oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah.
Soomaaliya waxay ku horumari kartaa oo keliya nidaam caddaaladeed oo bulsho kasta u dammaanad qaadaya xuquuqdeeda siyaasadeed. Hoggaanka qaranku waa inuu matalaa ummadda oo dhan. Waa in uusan awoodda dowladda u adeegsan dano kooxeed.
Dadka Soomaaliyeed ee jecel midnimada iyo caddaaladdu waa in ay ogaadaan. Baydhabo waxay ka hor istaagi doontaa fikirkan duugoobay. Waxayna caddeyn doontaa in aan Soomaaliya mar dambe lagu maamuli karin awood-marooorsi iyo kala qaybin bulsho.
W/Q: DR. SHEEKHNUUR ABUBOKOR QAASIM
Diwaanka Wararka | Daljir Media


COMMENTS