Isinka guud ee Beesha xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ay weheliyaan Siyaasiyiinta beesha oo uu ugu horeeyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabelle Yuusuf dabageed ayaa gaadhay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Ugaaska ayaa halkaas kaga dhawaaqay inay qaateen go’aan adag isaga oo beeshiisa ugu baaqay inay udiyaar garooban difaaca xuquuqdooda.
Ugaaska ayaa usheegay Beesha in qof walba wixii uu awooda uu diyaarsado oo uu ula jeeda hubka in la qaata.
Wuxuu ugaas Yuusuf sheegay in maanta ay isku mowqif yihiin dhamaan Beesha Xawaadle.
Madaxwene kuxigeenka Maamulka Hirshabelle Yuusuf dabageed ayaa maanta sheegay in talada Hirshabelle ay ka weyn tahay mid Xasan Sheekh cida uu jecel yahay geysta loona baahan yahay in laga wada hadlo lagana shaqeeyo Hirshabelle loo siman yahay taas oo uu ula jeeda in Xasan sheekh uu xaqooda udiidan yahay Xawaadle iyo in sad bursiimo jirto.
Arrintan uu kudhawaaqay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa imaaneysa xili xaalada qilaafka Hirshabelle ay meel xasaasi ah maraysa.
Ugaas Yuusuf ayaa sheegay inay talaabo adag qaadayaan.
Daljir Media | Mohamed Koronto


COMMENTS