Anigoo ah Agaasimihii Hore ee Hay’adda La-dagaallanka Burcad-badeedda Puntland (2010–2017), waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidanka Booliiska Badda Puntland (PMPF), kaddib hawlgalkii geesinimada, xirfadda iyo isku-duwidda lahaa ee lagu guulaystay, laguna soo badbaadiyey MT Siba 1 iyo shaqaalihiisii.
Guusha hawlgalkan waxay farriin adag oo cad u diraysaa cid kasta oo ku hawlan ama damacsan inay ku kacdo falal burcad-badeednimo, iyadoo muujinaysa awoodda, diyaar-garowga iyo xirfadda Ciidanka PMPF ee la-dagaallanka khataraha ka dhanka ah amniga iyo badqabka biyaha Soomaaliya.
Waxaan sidoo kale si gaar ah u bogaadinayaa dhammaan saraakiishii iyo ciidamadii ka qaybqaatay hawlgalkan, iyo cid kasta oo ka taageertay dhinacyada muhiimka ah sida qorshaynta, isku-duwidda, xogta iyo isgaarsiinta.
Dhammaan Ciidanka PMPF, rag iyo dumar, waxaan leeyahay: guushani ha idiin noqoto dhiirrigelin aad ku sii waddaan dadaallada aad ugu jirtaan ilaalinta dadka iyo hantida, iyo ka qaybqaadashada amniga iyo xasilloonida biyaha Soomaaliya.
PMPF, shaqo wanaagsan baad qabateen. Guulaysta.
Abdirizak M. Ahmed (Ducaysane)
Agaasimihii Hore ee Hay’adda La-dagaallanka Burcad-badeedda Puntland
2010–2017


COMMENTS