Buurta Puntland: Qodobada Shirkii Amniga Qaranka (sawirro)

Buurta Puntland: Qodobada Shirkii Amniga Qaranka (sawirro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxdii kale ee kala qayb galay shirka lagaga hadlayey arrimaha ammniga Soomaaliya ayaa maanta 10 Julay 2017 kasoo saaray qodobo muhiima kuwaas oo ay u garteen inay kujirto xasilinta arrimaha Ammaanka Soomaaliya, isla markaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kala qayb galay shirkaasi Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Guddomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed, Madaxda Maamuladda Dalka, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, kuwa Maamuladda Jubaland, koonfur-Galbeed, Galmudug iyo hiir-shabeele iyo sidoo kale kuwa Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Gaashaan Dhiga DFS ayaa warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa dawliga ah ba u akhriyey qodobada kaso baxay shirka.
1. Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.

2. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlad Dawladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.

3.Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

4.Keddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa afkaardooda gurracan.

5.Golahu, markiiuu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil, 2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada, waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.

6.Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

7.Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.

8.Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka KMG.

9.Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta Qorshaha Amniga Qaranka.

10.Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa saddexdii biloodba mar.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 3
  • Ahmed Mohamoud 7 years ago

    hadii Latashto Horumar ayaa Lagaarayaa
    waxaaan Ku boorinayaaa faderalka iyo Maamul Goboleedad Inay Mid Noqdaan. #faalo buuxda

    Fakarkaygu waaa. Amni Qaran hadii Ladhiso Waxaan A am in Sanahay Inaan Hormar. gaarayno.

  • maxamuud iimaan salaad 7 years ago

    lamabkayguna waa 7365359

  • maxamuud iimaan salaad 7 years ago

    shirka golaha amniga qaranka wan Soo dhoweyn in kastoo qodobadii adka laysugu hayey aysan war murtiyeeydka ka muuqan si kasya ha ka ahaatee waxan Ku talin lahaa golaha ammaanka qaranku nuusan qaadin waddadii golihii madasha wada tashiga qaran oo LA wareegay into badnayd shaqadii golaha shacabku qaban lahaayeen.
    mahdsanidiin daljir.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com