Ciidamada Amniga ee Bossaso oo Qabtay Gaari Qaraxyo Wada

Bossaso – Ciidamada ammaanka ee magaalada Bossaso ayaa caawa qabtay gaari lagu soo raray, wadayna xirmooyin qaraxyo ah iyo dadkii saarnaa oo gaaraya illaa 5 ruux, xilli uu marayey gaarigaasi mid ka mid ah waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada Bossaso fiidnimadii hore ee caawa.

Gaariga waday qaraxyada, ciidamada amniguna qabteen caawa ayaa ahaa nooca loo yaqaanno Dhikilada ee ah Dhaynayaasha yaryarka, kuwaasi oo magaalada Bossaso looga adeegsado gaadiid dadweyne ahaan, kana dhax shaqeeya xaafadaha magaalada iyo suuqyadaba.

Saraakiil amniga ah oo uu la xiriiray Radio Daljir, ayaa noo xaqiijiyey qabashada gaarigaasi waday waxyaabaha qarxa, iyadoo sidoo kalena ay noo sheegeen in la qabtay wadihii gaariga iyo dhawr qof oo kale oo la saarnaa baabuurkaasi.

Saraakiisha amnigu, waxay kaloo sheegeen qaraxyada la qabtay caawa in ay ahaayeen xirmooyin dhawr ah oo u diyaarsanaa falgal weerar, qaraxyadasi oo ay weheliyeen Ramuudada meelaha durugsan wax looga hago, kuwaasi oo iyana ka mid ah waxyaabaha ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen.

Ma jiro war faahfaahsan oo weli dhinaca dawladda Puntland ka soo baxay, lana xiriira qabashada qaraxaasi iyo dadka wadayba, hase ahaatee laamaha ammaanku waxay si hordhac ah u sheegeen horay in loo hayey xogta qaraxyadaasi, ciidanka amniguna ay ku hawlanaayeen saacadihii ugu dambeeyey qabashadiisa.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com