Ciidamada Jubbaland oo Dhoolatusay

Ciidamada Jubbaland oo Dhoolatusay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray Ciidamo katirsan Xooga Dalka qaybta 43 ee Magaalada Kismaayo.

Munaasabada Tababarkan lagu soo xirayay waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Sarakiil kasocotay Dowlada Federaalka ah iyo Hawlgalka AMISOM.

Ciidamadan oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Qaybta 43 ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa ay geedo ka Ciyaar kusoo bandhigeen Madaxda hortooda iyagoo soo bandhigay hababkii loo tababaray iyo Casharadii ay barteen.

Ciidamadan ayaa ka kooban qaybta kumaandooska iyo Ciidamada Lugta waxaana ay mudo ku tababaranayeen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ay manta qalin jabinayaan dufcadii ugu horaysay ee Ciidamada Qaranka oo isku dhaf ah.

Dhamaan dadkii gacanta ka gaystay hawshan ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo sheegay in Al-Shabaab ay burbur qarka u saran yihiin wiilashii dhamaystiri lahaana ay manta diyaar u yihiin in ay ku dhaqaaqan.

Ciidamada ayuu ku booriyay in ay muujiyaan dareen lahaansho oo ay Dalkooda xorayntiisa Naftooda u huraan isagoo xusay in ay Dowlada Federaalka ah laga sugayo wixii tasiilad ah oo Ciidamadan ka dhiman.

—DHAMMAAD—

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com