Ciidamada Mareykanka ee Duqeynaya Yaman oo ka Cabanaya in ay Indhala’aan iyo War-la’aan Noqdeen

Ciidamada Mareykanka ee Duqeynaya Yaman oo ka Cabanaya in ay Indhala’aan iyo War-la’aan Noqdeen

Indhala’aanta iyo war-la’aanta ayaa ciidamada Mareykanku u aaneynayaan ayadoo Yaman soo riday oo dhulka soo wada dhigtay diyaaradaha daroonta, nooca qaaliga ee wax basaasa ee loo yaqaan MQ-9 Reaper. Bilaha Maarso iyo Abriil kaliya Yaman waxay soo rideen 7 kamid diyaaradahaas, wadarta guudna ee la soo riday tan iyo bilowgii hawlgalka garab-istaaga Qasana waa 23.

Mareykanka ayaa sheegay in ay hadda macluumaadka Yaman ka baartaan ilaha furan (open source intelligence) ee Internetka, taas oo sababtay in shalay la duqeeyo boholo laga qoto macdanta.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com