Ciidanka Ammaanka Kenya oo Nairobi Ku Xiray Dhalinyaro Soomaali ah

Ciidanka Ammaanka Kenya oo Nairobi Ku Xiray Dhalinyaro Soomaali ah

Ciidanka ammaanka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu soo warayamaa inay xabsiga dhigeen kudhowaad 10 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay tahriibinayeen dad qaxooti ah oo ku sugan xerada Dhadhaab.

Dhalinyaradan la xiray ayaa dhammaantood waxaa laga qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku diiwaan gelinayeen Dhalinyarada Tahriib doonka ah, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Ciidanka booliska dalka Kenya ayaa fuliyay Howlgalkan lagu soo qab qabtay dhalinyaradan ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Ducomentiyo been abuur ah oo raggan ay sameysteen.

Maxamed Saalax Saciid, isu duwaha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in raggan lagu hayo baaritaan gaar ah, oo lagu ogaanayo meelaha ay isugu geeyaan dadka ay Tahriibiyaan iyo sababta ka dambeysay in ay ku kacaan falkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Akash Abdi Ali 7 years ago

    maxa ku kalige ineey ku kacan falkan dhalinta somaliyed

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com