Ciidanka Shiinaha oo Gacanta Ku Dhigay Hogaamiye Katirsan Burcad Badeedda Soomaalida

Ciidanka Shiinaha oo Gacanta Ku Dhigay Hogaamiye Katirsan Burcad Badeedda Soomaalida

Warbaahinta ka shaqaysa dalka Shiinaha ayaa xaqiijisay markii ugu horeysey in Ciidamada badda ee dowladda Shiinaha ay ku guuleystay in ay qabtaan hogaamiye ka tirsan Kooxaha Burcadbadeeda.

Hogaamiyaha Burcadbadeeda ee ay qabteen Ciidamada Badda ee Shiinaha ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saddex ka tirsan burcad badeedda Soomaali ah oo weerar ku qaaday Markab laga leeyahay jasiiradda Tuvalu.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in saddexda burcad badeedda ah ee la la’yahay uu ku jiro Cabdikariim Saalax oo lagu magacaabo Aw Koombe oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda Soomaaliya.

Dhanka kalena warbaahinta Caalamiga ah oo soo xiganaya qaar ka mid ah Ciidamada Badda ee Shiinaha ayaa sheegay in ay aamin san yihiin in ay gacanta ku hayaan Ciidamadda Cabdikariim Saalax.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com