Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, ayaa dhaliil culus u jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyey inay iska indha tirtay khataraha amni iyo caqabadaha siyaasadeed ee dalku wajahayo
, kuwaas oo uu sheegay in wax laga qaban karay.
Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xaaladda dalka ka taagan aysan ahayn mid la dhayalsan karo, isla markaana ay jiraan dhibaatooyin iyo khataro u baahan in si dhab ah wax looga qabto.


COMMENTS