Daawo sawirradii Ugu Dambeeyey ee Qaraxyo Ciidanka Ammaanku Ku Qabteen Boosaaso

Daawo sawirradii Ugu Dambeeyey ee Qaraxyo Ciidanka Ammaanku Ku Qabteen Boosaaso

Ciidamada ammaanka ee magaalada Bossaso ayaa caawa qabtay gaari lagu soo raray, wadayna xirmooyin qaraxyo ah iyo dadkii saarnaa oo gaaraya illaa 5 ruux, xilli uu marayey gaarigaasi mid ka mid ah waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada Bossaso fiidnimadii hore ee caawa.

Gaariga waday qaraxyada, ciidamada amniguna qabteen caawa ayaa ahaa nooca loo yaqaanno Dhikilada ee ah Dhaynayaasha yaryarka, kuwaasi oo magaalada Bossaso looga adeegsado gaadiid dadweyne ahaan, kana dhax shaqeeya xaafadaha magaalada iyo suuqyadaba.

Saraakiil amniga ah oo uu la xiriiray Radio Daljir, ayaa noo xaqiijiyey qabashada gaarigaasi waday waxyaabaha qarxa, iyadoo sidoo kalena ay noo sheegeen in la qabtay wadihii gaariga iyo dhawr qof oo kale oo la saarnaa baabuurkaasi.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com