Labo Ruux waa lagu Dilay Labana waa Dhaawac Weerar Ballibusle

Labo Ruux waa lagu Dilay Labana waa Dhaawac Weerar Ballibusle

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar fiidnimadii xalay kooxo hubaysan oo la rumaysan yahay inay ka soo jeedaan dhanka maamulka Galmudug ay xalay ku qaadeen deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug.

Malayshiyaadka hubaysan oo si dhaqso ah ku soo galay magaalada ayaa waxa ay weerar ku qaadeen goobo ay ku cawaynayeen dadka deegaanka, halkaasi oo ay ku dileen labo nin ayna ku dhaaweceen hal ruux.

Majiro wax iska hor-imaad ah oo dhexmaray kooxda weerarka soo qaaday iyo dadka deegaanka, waxaana saaka siweyn loo hadal hayaa u jeedada weerarkaasi.

Dhowaan ayey ahayd markii ay dhowr ruux ku dhaawacantay dagaal u dhexeeyey xoola dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay deegaan 45KM u jira Balli-busle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
  • Ali karaamo 7 years ago

    Waa riyo sina u dhaboobi doonin
    Ninka walaalkaa dilay farmaajo iyo khayraan lasugayaa 100 adiga ah baa,hal nina dili doonaa

  • Ali karaamo 7 years ago

    Daljir waan idin salaamay S/D
    Arintani wax gal mudug iyo
    Galkacyo nadaamka dhexyaala
    Wax u dhimaya ma aha, bal,hadana
    Jisaba jisay leedahay, waa laguu soo
    Bareeray min meel fog ilaa bali busle 2 dhimasho mid dhaawac
    Habeen dambana waa sidoo kale
    Ma raadiyahaad tegaysaa( qaniinyo.
    Qaniinyaa kaa fujisa ) ee dhibta u
    Soo fadhi ama ka jawaab aragtidayda

  • Maxamuud yare 7 years ago

    Waa ficil bahal nimo ah waa in cadaalada la soo taago ragas

  • Abdikafi A Abdi ( 0907763711 ) 7 years ago

    Assalaamu alaykum , Radio Daljir Somalia

    Waa arin culus oo abuuraysa colaad dib uga cusboonaata gobolka mudug waxaa laga rabaa maamulka gobolka mudug in ay war rasmi ah kasoo saaraan dadka lagu laayey magaalada Balibusle oo ah magaalo amni ah qalalaase iyo dhibi ka jirin oo xasiloon , lana cadeeyo dadka lagu laayey xaqdarada , kuwa laayeyna sharciga la hor keeno

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com