Dagaalka Xeraale oo Dhaawac Sababay una Dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug

Dagaalka Xeraale oo Dhaawac Sababay una Dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug

Dagaalkan oo gesytay khasaare dhaawacyo ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba kamid ah beelaha deegaanka, kuwaas oo la sheegay in ay kala taabacsan yihiin maamullada Ahlusunna iyo Galmudug. Inta la hubo dagaalka waxaa ku dhaawacmay 2 ruux oo la sheegay in ay ahaayeen maleeshiyaadkii dagaalamay.

In kasta oo maamul ahaan deegaanka Xeraale ay hoostagto deegaanada Ahlusunna, hadana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka, waxaa se xallinta xiisadaan ku baxay xaxgarad iyo odayaal dhaqameed ka soojeeda deegaanka.

Hadaba warbixin ku saabsan dagaalkaasi waxaa istudiyaha Daljir ee Caabudwaaq ka soo jeedinaya wariye Cumar Laki Man.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com