Dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Asarullah Al-Xuuti Ayaa saacadahii ugu dambeeyay kadhacay Magaalada Tacis oo dhacda koonfur-galbeed Yemen ayaa sababay dhimashada tobonaan qof.
24kii saac ee ugu dambeeyay ayaa lasoo wariyay dhimashada labada dhinac inaay gaartay 76 qof sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan labada dhinac oo la hadlay AFP.
Dagaalku ayaa ka socdaa dhowr jiho oo ku yaal agagaarka Magaalada Tacis, Xuutiyiinta ayaa doonaya inaay gacanta kudhigaan magaalada Tacis oo weli gacanta ay ku haysa dowladda uu sucuudiga taageero.
Ilo wareedyo militari oo ka tirsan dowladda Yemen ayaa u sheegay AFP in Xuutiyiintu ay qarxiyeen buundo yar oo ku taal waddada kaliya ee isku xirta Tacis iyo Cadan, oo ah xarunta dowladda ku meel gaarka ah ee Yemen, taasoo keentay in gaadiidka ukala goosha labada magaalo ay istaagaan taas oo saameyn kuyeelatay Ciidamada dowlada oo go’doon ku ah Tacis.
Go’taanka wadadaan ayaa horseedeysa inaay adkaata in sahay la gaarsiiyo Ciidamada Dowlada waana sida ay doonayaan xuutiyiinta.
Ciidamada dowladda Yemen ayaa ku sheeay inay qaadeen 474 duqeymood oo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday Goobaha Dagaalka ee ay kusugan yihiin militariga Xuutiyiinta 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Duqeymaha ugu badan ee ay qaadayaan Sucuudiga ayaa laga fuliyaa aag magaalada Tacis oo ay ka dagaalamayaan Xuutiyiinta si culeyska weerarka uu ugu yaraada ciidmada dowlada hasayeeshee taasi waxba kama badalin xuutuyiinta waxaana muuqata inay horumar kasameynayaan goobaha dagaalka waloow magaala Tacis maalma badan la isku horfadhiya.
Mohamed Koronto | Daljir Media


COMMENTS