Daljir Bossaso iyo Daahfurka Tartan & Tacliin (T+T)

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo sannadkii sagaalaad madaxa la galay ayna iska kaashadaan shirkada isgaarsiinta ah ee Golis, Shirkadda Towfiiq, Daladda ahliga ah ee waxbarashada ee Pen, Guddiga Barnaamijka iyo Radio Daljir ayaa caawa si toos ah loo daahfuray.

Munaasibada Daahfurka barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo lagu qabtay istuudiyaha Daljir Bosaaso ayaa waxaa ka soo qaybgalay Jaamac Xasan Barre oo ka socday Shirkada Golis, Maxamed Macalin oo ka socday Shirkada Towfiiq, Guddoomiyaha Barnaamijka Tartan iyo Tacliin Ustaad Yuusuf Suudi Cabdi, Guddoomiyaha Waxbarashada ee Degmada Bosaaso Cabdullaahi Xasan Abshir iyo Agaasimaha Guud ee Radio Daljir Axmed Shiikh Maxamed Tallman.

Ustaad Yusuf Suudi ayaa muhiimadda T+T ku timaamay sidan:

 

  1. isdhaxgalka Ardayda iyo macalimiinta daafaha Puntland
  2. Baahinta Aqoonta diiniga iyo maadiga
  3. Dib-u-dhiska dhaqanka iyo suugaanta
  4. Barista Ardayda cilmibaarista
  5. iyo dhalinyarada laga mashquuliyo waxyaabaha xunxun ee aan mustaqbalka lahayn laguna mashquuliyo wixii roon oo dan noo wada ah

Hoos ka dhegayso iyo waliba masawiro huggaanka T+T

  

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com