Daljir Media oo Garoowe ku qabatay Madal logu gorfeynayo Robaabka deyrta

Daljir Media oo Garoowe ku qabatay Madal logu gorfeynayo Robaabka deyrta

Garoowe: Warbaahinta Daljir oo kaa shanaysa Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, ayaa caawa marti gelisey madal doodeed lagu gorfaynayo khatarta roobabka dayrta ee October ilaa December sanadka 2026, dooda oo qayb ka ah xog la wadaagista bulshada iyo digniinaha khatarta ay weriyeen culimada saadaasha waxaa ka qaybgalay.

1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Dawlada Puntland Mudane Farxaan Cali Xirsi, isagoo ka jawaabey su’aalo la xiriira wacyiga bulshada Puntland ee khatarta El Niño iyo qorshayaasha Dowlada.

2. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlada Puntland Mudane Axmed Naxar Siciid Aw-Nuur

3. Guddoomiyaha bulshada rayidka ah ee Punland Mudane Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan

4. Khabiir Nuuradiin Maxamuud Axmed oo ah xeel dheere arimaha saadaasha iyo cimilada ah.

Intii ay socotey doodan waxaa diirada la saaray Xadiga culus ee roobabka Dayrta oo Puntland kusoo wajahan, khataraha ka imaankara, diyaar garowga Dowlada iyo Furdaha jira ee Roobabka badani xambaarsan yihiin sida looga faa’iidaysan karo

Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com