Dawladaha Dalka oo Go’aanno ka Gaaray Xaasaska al-Shabaab

HomeWararka

Dawladaha Dalka oo Go’aanno ka Gaaray Xaasaska al-Shabaab

Maamul goboleedyada dalka iyo taliska ciidamada dowladda federaalka ee magaaladda Muqdisho ayaa si wadajir ah u bilaabi doona howlgallo ka dhan ah qoy

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shiinaha Uga Qayb Galay Daah-furka Madasha Iskaashiga Ganacsiga iyo dhaqaalaha shiinaha iyo Afrika
Siyaasi Xaraare: “Waa Marin-habaabin doorasho qof iyo cod ah oo dawladda dhexe ah” (daawo)
Shacabka Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay Shir Madaxeedkii lagu soo gabagabeyeey Muqdisho

Maamul goboleedyada dalka iyo taliska ciidamada dowladda federaalka ee magaaladda Muqdisho ayaa si wadajir ah u bilaabi doona howlgallo ka dhan ah qoysaska saraakiisha kooxda AlShabaab. Arrintan ayaa ka dambeysa kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya  in xaasaska maleeshiyada Ururka Al Shabaan ay ku soo badanayan Magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Kismaayo, Beledweyne iyo Baydhabo.

Dhammaan taliyayaasha ciidamada dowladaha dalka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in la beegsado xaasaska iyo caruurta ay dhaleen dagaalamayaasha kooxda al-Shabaab, lagana digtoonaado imaatinkooda magaalooyinka xorta ah

Maamuladda Jubbaland, Koofur Galbeed & Hirshabelle ayaa xaasaskan ku amray in ay muddo gaaban kaga baxaan deegaanadooda, sababo ku aadan iyagoo ku eedeynaya in ay fududeynayan weerarada ay al-Shabaab ka gaysato deegaanka.

Hadaba ugu horeen waxaa goobta ka hadlay Janaraal Mahad Cadbiraxmaan Aadan, taliyaha ciidanka booliska maamulka Koonfur Galbeed, faahfaahinna ka bixiyey dilalka qorshaysan ee al-Shabaab ka fuliso Baydhabo iyo deegaanka Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoos ka dhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: