DDA OO SOO DHAWEEYAY GARGAARKA DOWLADDA PUNTLAND EE DHINOWDA

DDA OO SOO DHAWEEYAY GARGAARKA DOWLADDA PUNTLAND EE DHINOWDA

WAR-SAXAAFADEED

DDA OO SOO DHAWEEYAY GARGAARKA DOWLADDA PUNTLAND EE DHINOWDA

Dhinowda, Mudug – 17 Sebtembar 2026

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Hay’adda Horumarinta Dhinowda (DDA), Md. Abdirahman Shariif Ahmed, wuxuu si diirran u soo dhaweynayaa gargaarka ay Dowladda Puntland soo gaarsiisay bulshada Dhinowda, kaas oo ka koobnaa raashin iyo lacag caddaan ah.

Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadcelinayaa Maamulka Puntland iyo Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, fulinta ballanqaadkii uu horey ugu sameeyay bulshada Dhinowda, isagoo tilmaamay in taageeradan ay muhiim u tahay dadka wajahaya xaaladaha adag ee deegaanka.

DDA waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed, jaaliyadaha reer Dhinowda ee dibadda, ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo dhammaan dadka awoodda u leh inay wax ku biiriyaan inay si wadajir ah uga qayb qaataan dadaalka lagu badbaadinayo Dhinowda iyo bulshada ku nool.

Sidoo kale, DDA waxay si gaar ah ugu baaqaysaa aqoonyahannada iyo khubarada cilmiga dhulka, deegaanka iyo dhirta inay la soo xiriiraan Hay’adda, si ay gacan uga geystaan cilmi-baarista iyo helidda xalal waara oo lagu xakameyn karo bacaadka, loona aqoonsan karo dhirta ku habboon deegaanka xeebta ah.

“Dhinowda waxay u baahan tahay garab istaag iyo iskaashi wadajir ah. Aan maanta u istaagno badbaadinta Dhinowda iyo mustaqbalka bulshadeeda.”

Md. Abdirahman Shariif Ahmed
Guddoomiyaha Guddiga Maamulka
Hay’adda Horumarinta Dhinowda (DDA)

Tel: 00 252 615057576
Email: [email protected]
Dhinowda District, Mudug Region, Puntland, Soomaaliya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com