Wacaal Daray ah: Alshabaab oo Sheegatay Qabsashada Af Urur

Wacaal Daray ah: Alshabaab oo Sheegatay Qabsashada Af Urur

Malayshiyaadka ururka Alshabaab ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo ay xalay ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee gobolka Bari.

Afhayeenka howlgallada maleyshiyada Alshabab Abu Muscab ayaa sheegay inay qabsadeen saldhigii ciidankooda ay soo weerareen ayna dileen ciidamadii ku sugnaa halkaasi, sidoo kalena ay qabsadeen gaadiid dagaal.

Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin weerarkaasi, iyadoona ay jiraan warar sheegaya in ciidan gurmad ah ay isla markiiba gaareen goobta dagaalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 2
  • Abdinaasir 2 weeks

    Waa bil barakysann, “Aduunka oo dhan oo la rogo Alle swt waxaa uga daran dhiig muslim ah oo xaq darro lagu daadiyo”

  • Abdihakiim Ahmed 2 weeks

    Wan ka xumahay qabsashada Af urur, nabadgelyo buuxda alle ha ina siiyo