War Degdeg ah: Ismiidaamin sababtay Dimisho & Dhaawac

War Degdeg ah: Ismiidaamin sababtay Dimisho & Dhaawac

DEGDEG.: Weerar dhimaaho iyo dhawac geystay oo ka dhacay Laguriiqsay

Subaxnimadii 06-kii January 2019 waxaa weerar lagu dilay ugu yaraan 15 qof, halka in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen ismiidaamin ka dhacday Deegaanka Laguriiqsay oo hoostaga drgmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee Soomaaliya

Weerarkan ka dhacay deegaanka Laguriiqsay ee dhimashada iyo dhaawaca faraha badan sababay, ayaa wuxuu yimid ka dib markii kooxda kooxda AS ay weerareen Culimada Ahlusunna Waljamaaca oo halkaas ku dhigaysay Xuska dhalashada Nabi Muxamed NNKH iyo sidoo kale siyaarada Sheekh Cali Cilmi Yare

Dhacdadan weerarka ah ee lagu qaaday Culimada ka tirsan Ahlu-sunna ayaa waxaa ku geeriyootay 15 qof halka, dhaawacyo tiro badan ay jiraan sida uu warbaahinta u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa deegaankaasi

Dadka goobta weerarkan ka dhacay ku dhintay waxaa ka ay ahaayeen dad badan waxaana ugu caansanaa magacyadan soo socda:

1-Sheekh Cabdi Xareed Cali

2-Mukhtaar Nuur.

3-Nuur Cabdi Xareed.

4-Xuseen Guuleed Faarax.

5-Maxamed Cali cusmaan.

6-Axmed Yaaquub Cali.

7-Macalin Geedi Cali.

Dadkan waxaa dilkooda geystay kooxda

kooxda AS, iyagoo ku sababeeyey diidmadooda xuska la xusayo dhalasha Nabi Muxamed NNKH, taasoo ay ka soo horjeedaan.

> Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com