Dhakhaatiir Sacuudi oo Booqanaya Bossaso, Xaqiijinayana Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya

Dhakhaatiir Sacuudi oo Booqanaya Bossaso, Xaqiijinayana Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya

Bossaso (Maxjarada Bossaso) – Wafti ka socda Dawladda Sacuudiga, una badan dhakhaatiir la yiri waxay u kuurgali doonaan caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya iyo tayada maxjarada dalka ayaa maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Bandar Qaasim, Bossaso. Waftigaan ayaa cagtii hore soo maray Berbera, una sii gudbi doona Xamar. Maamulka degmada Bossaso ayaa Radio Daljir u xaqiijiyey in waftigu u yimid sidii loo laali lahaa cunaqabataynta saaran xoolaha Soomaaliya, loona xaqiijin lahaa caafimaadka xoolaha.

Faahfaahinta waxaa noo haya Xasan Haykal oo hoos ka dhegayso

 

                                    

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com