DHEGEYSO-Warbixin ka hadlaysa heshiiska dhexmaray Imaaraadka iyo Soomaaliland.

Maamulka Somaliland iyo Dowlada Imaaraadka ayaa qalinka ku duugay dhameystiran heshiis la xariira arrimaha Iskaashiga labada dhinac oo ay ka mid yihiin Saldhigyo Milateri oo laga hirgalinayo magaalada Berbera.

Heshiiska waxaa wada saxiixay Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Wasaarada Arrimaha Dibada Dowlada Imaaraadka Maxamed Al Zuweydi

Imaaraatka & Somaliland heshiiskooda waxaa ka muuqda mashaariic waa weyn oo laga hirgalinayo Somaliland, taas oo haddii ay fusho noqonaysa arrin horumarka qeyb ka qaadanaysa.

Qodobada ugu muhiimsan Heshiiska Qalinka lagu duugay waxaa ugu waaweeyn:-

1-Somaliland waxay ogolaanho siisay in Ciidamada Dowladda Imaaraadku adeegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Berbera.

2- In Imaaraadka Garoon diyaaradeed ka dhiso Berbera, kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka.

3- Dhismaha Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fulin doono.

-Fulinta Mashaariic kale oo la xiriiraan Biyaha, Tamarta , Caafimaadka iyo waxbarashada. dhamaan mashaariicdaasi waxaa lagu fulin doonaa Saddexda sano ee soo socota.

4-Dowladda Imaaraadku waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.

5-Dowladdu Imaaraadku waxay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga imaaradku inay maalgashtaan Somaliland

6- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga.

7- Iskaashiga Imaaraatka Carabta Midoobey & Somaliland wuxuu dhabaha u xaarayaa iskaashiyo noocan ah oo dhexmara Somaliland iyo dalalka Caalamka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com