Dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan Kooxaha Aragagixisadu

Dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan Kooxaha Aragagixisadu

In badan oo ka mid ah dhallinta Soomaaliyeed ayaa dalka iskaga carara kadib markay la kulmaan dhibaatoyin kaga yimaada Kooxahaas. Maxamuud Xasan Maxamed wuxuu ka mid yahay dhallinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhashay Muqdisho, wuxuuna kulmay dhibaato xooggan oo ay u geysteen Kooxda argagixisada ah e e AS   kadib markii ay dhowr jeer ku weerareen goob uu ka shaqayn jiray oo ku taala Isla gudaha Magaalada Muqdisho waxayna dhowr jeer isku dayeen in ay khaarajiyaan balse nasiib wanaag wuu ka badbaaday.

Intaasi kadib, Maxamuud ayaa Ciidamada Booliska la wadaagay dhacdadaan waxayna ciidamadu dabagal ku sameeyen dhaqdhaqaaqa aagga. Maxamuud Xasan  oo ah wiilka dhibanaha ah oo aan waraysanay ayaa sheegay in muddo dheer uu wajahayay cabsi hanjabaado kaga yimaada dhinacyo badan, wuxuuna Maxamuud sheegay in qatarta Kooxdaan ay u dheertahay mid kaga timaada qaar ka mida qabaa’ilka maadama asago ka mid yahay qoysaska ay Soomaalidu haybsoocdo ama lagu tilmaamo in laga tirabadanyahay, taasi oo noqonaysa culays kale oo haysta dhainyarada Soomaaliyeed.

Maxamuud wuxuu  kaloo noo sheegay in dhowr jeer qaab qabiil loogu handaday iyadoo ay heysatay dhibka dhanka kooxda ah, wuxuuna muddo ku niyad qaboysaday talaabadii booliska, balse kooxda kooxaha xagjirkanah ayaa dhagartooda u weeciyay dhinac kale iyagoo bilaabay in ay Maxamuud iyo dhallinyaradii kale ee ay ugaarsanayeenba khadka Telafoonka uga hamjabaan, taasi oo ugu danbeyn sababtay in Maxamuud iskaga cararo dalka.

Arrinkaan ayaa ah mid ka dhan ah nolosha bulshada Soomaaliyeed loogana baahan dadka Soomaaliyeed in meel uga soo wadajeestaan sidii loola dagaalami lahaa kooxahan caadaystay dhiiga ummadda.

Warbaahinta Daljir | Cabdifataax Cumar Geeddi, Tafatire

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com