HAY’ADDA HORUMARINTA DHINOWDA (DDA)
DHINOWDA DISTRICT
SOLAR CITY LIGHTING PROJECT
Mashruuca Nalalka Cadceedda ee Magaalada Dhinowda
Hay’adda Horumarinta Dhinowda (DDA) waxay magaalada Dhinowda ka hirgelinaysaa Dhinowda District Solar City Lighting Project, oo ah mashruuc loogu talagalay in magaalada lagu iftiimiyo nalal ku shaqeeya tamarta cadceedda.
Mashruucan wuxuu qayb ka yahay dadaallada DDA ee lagu horumarinayo bilicda magaalada, amniga bulshada, kaabayaasha aasaasiga ah iyo adeegyada dadweynaha, iyadoo la adeegsanayo tamar nadiif ah oo waarta.
Ujeeddooyinka Mashruuca
* In waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada lagu rakibo nalal cadceedda ku shaqeeya.
* In la kordhiyo iftiinka iyo amniga magaalada xilliyada habeenkii.
* In la horumariyo bilicda iyo muuqaalka magaalada Dhinowda.
* In la isticmaalo tamar nadiif ah oo deegaanka u wanaagsan.
* In la yareeyo ku-tiirsanaanta koronto-dhaqameedka.
* In la abuuro jawi wanaagsan oo ganacsi, isu-socod iyo nolol bulsho.
Mashruuca
Project Name: Dhinowda District Solar City Lighting Project
Implemented by: Dhinowda Development Agency (DDA)
Location: Dhinowda District, Mudug Region, Puntland, Somalia
Technology: Solar-Powered LED Street Lights
Primary Purpose: City Lighting, Public Safety & Urban Development
Aragti Fog
DDA waxay hiigsanaysaa in Dhinowda laga dhigo magaalo leh waddooyin iftiin leh, deegaan nadiif ah, amni wanaagsan iyo kaabayaal casri ah, iyadoo bulshada iyo bah-wadaagta horumarineed lala kaashanayo hirgelinta mashruucan.
Dhinowda – A Brighter, Safer and Sustainable City.


COMMENTS