Diyaarad Xamuul oo ku Dhacday Magaalada Garbahaarey

Diyaarad Xamuul oo ku Dhacday Magaalada Garbahaarey

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw garoonka Diyaaradaha magaaladaasi ay kusoo dhacday diyaarad xamuul sida oo dooneysay in ay ka degto garoonkaasi.

Masuul katirsan gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaarad kasoo dageysay garoonka ay soo dhacday , waxa uuna tilmaamay in diyaaradaasi soo dhacday aysan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah.

Diyaarada kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Garbahaarey ayaa la sheegay in ay u rarneen Hay’ada cuntada Aduunka ee WFP, waxaana diyaarada ay burt bur gaarsiisay xaafado kuyaala agagaarka garoonka iyo sidoo kale qeybo kamid ah dhismaha garoonka.

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 0