Dowlada Hindiya ayaa shaacisay inay qabatay Dooni Kaluumaysi oo lagu magacaabo Azini oo dhowaan lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.

Dowlada Hindiya ayaa shaacisay inay qabatay Dooni Kaluumaysi oo lagu magacaabo Azini oo dhowaan lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Hindiya Rajnath Singh ayaa qoraal uu dhigay bartiisa X ku sheegay in doonidan ay badbaadiyeen ciidanka Badda India oo garab ka helay ciidanka cirka ee dalkaasi.

“ Hambalyo ayaan u dirayaa Ciidanka Badda Hindiya oo si guul leh u fuliyay hawlgal socdey 48 saacadood oo si taxaddar leh loo abaahuley si loo badbaadiyo dhammaan 20-ka shaqaale ee markabka kalluumeysiga ee ee u afduubnaa Burcad-badeedda oo magaciisu yahay Azini, kaasoo 2-November 2026 Burcada lagaga qabtay meel Mumbai u jirta in ka badan 3000 km u jira oodhavda Badda Carabta.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca India.

Dhamaan Burcad-Badeedii ay u afduubnayd doonida ayaa la qabtay waxaana lala wareegey hubkoodii iyadoo lagu xiri doono xabsiyada India.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com