Dowladda Hoose ee Garoowe oo Bilowday Burburinta Waddooyin Laami la Saarayo (dhegayso)

Dowladda Hoose ee Garoowe oo Bilowday Burburinta Waddooyin Laami la Saarayo (dhegayso)

Wadadan laamiga la saarayo oo ka tagta masjidka jaamaca adana wadada suldaanka isla markana dhexmartay halki loo yaqaanay fadhiyo xun ayaa waxaa wada mashruucan laamiga lagu saarayo wada dowladda Hoose ee Garowe.

Duqa degmadda Garowe, Xasan Maxamed Ciise Goodir, oo Daljir kula hadlay goobta shaqada ay ka socoto isla markaana laamiga lagu saarayo ayaa sheegay in mashruucan uu yahay midkii JPLG, ayna rajaynayaan in ay wadooyin kale ka hirgaliyaan caasimada Garoowe.

Meelaha laamiga la saaarayo ee la burburiyey waxay ahaayeen goobo ganacsi, waxaana qaar kamid ah dadka ganacsiga ku lahaa hareeraha laamiga ee la burburiyey Daljir u sheegeen in ay soo dhaweynayaan hormarka.

Maxamed Lakiman, Daljir Garowe, ayaa warkaas noo haya.

DHEGAYSO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com